Golaha Wasiirada Koofur Galbeed oo kulan kooda kaga hadlay amniga

2

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiiradda Maamulkaas kaas oo ka dhacay magaalada Baydhabo.

Waxaa shirka looga hadlay todobaadkaan Arimaha Amniga, Xakamaynta Cudurka Covid19, iyo Dardargelinta Qorshiyaasha loogu adeegayo Shacabka ku nool degaannada Koonfur Galbeed.

Shirka intii uu socday ayaa waxaa  warbixino looga dhageestay Xubnaha Golaha Wasiirada Koofur Galbeed, iyaga oo soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay iyo waxa u qorsheysan.

Cabdicasiis Xasan Lafta-gareen Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya faray xubnaha Golaha wasiirada inay dardar geliyaan howlaha shacabka ku nool deegaanada Koofur Galbeed ay u hayaan.

Shirka Golaha Wasiirada ee Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa ah mid khamiisla ah, kaas oo looga hadlo arrimaha ka taagan deegaanada Koofur Galbeed iyo qorshayaasha amni iyo hormarka dhinacyo kala duwan, waxaana shir guddoomiyaha Madaxweyne Lafta-gareen.