Israa’iil ayaa si cad u muujisay inay taageerayso dadaalka Itoobiya ugu jirto helitaanka marin-badeed ku yaalla Badda Cas, iyadoo Safiirka Israa’iil u fadhiya Itoobiya, Avraham Neguise, uu sheegay in taageerada arrintani ay tahay siyaasadda rasmiga ah ee Israa’iil.
Neguise oo wareysi siiyay Hay’adda Wararka Itoobiya (ENA) oo xarunteedu tahay Addis Ababa, ayaa sheegay in Israa’iil ay garab taagan tahay Itoobiya dadaalkeeda ku aaddan helitaanka marin-badeed.
“Israa’iil waxay arrintan ku garab taagan tahay Itoobiya. Tani waa siyaasadda cad ee Israa’iil,” ayuu yidhi safiirku. Safiirka ayaa sheegay in Israa’iil ay u aragto helitaanka marin-badeedka Itoobiya arrin la xidhiidha xasilloonida dhaqaale iyo amni ee gobolka Badda Cas, isaga oo xusay in xoojinta Itoobiya ay faa’iido u yeelan karto amniga gobolka.
“Xoojinta iyo awood-siinta Itoobiya iyo abuurista xasilloonida Badda Cas waxay dan u tahay dhammaan dhinacyada, mana aha oo keliya dan Itoobiya,” ayuu Neguise ku sheegay wareysiga.
Waxa uu sheegay in marin-badeedku Itoobiya ka caawin karo xoojinta dhaqaalaha, ilaalinta madaxbannaanideeda iyo kaalin weyn oo ay ka qaadato amniga gobolka. Si kastaba ha ahaatee, safiirku ma sheegin deked gaar ah oo Israa’iil taageerayso, mana caddayn in taageeradu ku saabsan tahay marin ganacsi, saldhig ciidan oo badeed ama heshiis kale.
Neguise ayaa sidoo kale xoogga saaray muhiimadda amniga Badda Cas, isaga oo sheegay in khataraha ka jira marin-biyoodkaasi ayna saameyn toodu ku koobnayn dalalka Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe, balse ay saamayn karaan dhaqaalaha caalamka. “Haddii Badda Cas ayna xasilloonaan oo ay argagixisadu weerarro ka geysanayso, ma aha oo keliya Geeska Afrika ama Bariga Dhexe; dhaqaalaha adduunka oo dhan ayay dhibaatayn doonta,” ayuu yidhi.
Badda Cas iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab ayaa ah mid ka mid ah marinnada ganacsi ee ugu muhiimsan dunida, maadaama uu isku xidho Badweynta Hindiya, Gacanka Cadmeed, Badda Cas iyo Kanaalka Suweys. Weerarrada Xuutiyiinta Yemen ay u geysteen maraakiibta ganacsiga ayaa muddooyinkii u dambeeyay carqaladeeyay isu-socodka ganacsiga, taas oo ku khasabtay qaar ka mid ah maraakiibta inay maraan waddooyin dheer oo ku wareegsan koonfurta Afrika.
Safiirka Israa’iil ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu Itoobiya la wadaago khibraddiisa ku saabsan la-dagaallanka argagixisada iyo wax ka qabashada khataraha amni, isaga oo ku dooday in amniga iyo horumarka dhaqaale ay si dhow isugu xidhan yihiin.











