Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, oo howlo shaqo u jooga magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, ayaa kormeer ku tagay buundada magaalada, halkaas oo uu ka muuqdo burbur xooggan.
Taliyaha iyo saraakiisha kormeerka ku wehlinaysay ayaa sidoo kale u kuurgalay xaaladda guud ee webiga mara magaalada Baardheere, gaar ahaan labada dhinac ee jiinka webiga, iyo xaaladaha amni iyo nololeed ee halkaasi ka jira, iyadoo laga cabsi qabo fatahaado waaweyn oo la saadaalinayo inay ka dhacaan guud ahaan Soomaaliya.
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS ayaa ballanqaaday in wax laga qaban doono caqabadaha ka jira deegaanka, iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo dib-u-dayactirka buundada, taas oo burburkeedu sababay in gabi ahaanba aysan shaqayn.
Buundada Baardheere ayaa muhiim u ah isu-socodka bulshada iyo gaadiidka, iyadoo burburkeedu caqabad weyn ku yahay isku xirka labada dhinac ee webiga iyo gaarsiinta adeegyada muhiimka ah ee bulshada.











