Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya uma baahna xukun qof-ku-saleysan, siyaasaddana waa in lagu maamulaa hay’ado iyo sharci”

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalka loo baahan yahay in laga hirgeliyo nidaam siyaasadeed oo ku dhisan hay’ado dastuuri ah, sharci iyo isla-xisaabtan, halkii siyaasadda lagu saleyn lahaa shaqsiyaad ama hoggaamiye-kooxeedyada.

Madaxweynaha oo xalay ka hadlayay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Soomaaliya aysan u baahnayn “xukun ku saleysan nin keliya” ama hoggaan ku dhisan shaqsi iyo koox, balse loo baahan yahay in awoodda siyaasadeed lagu saleeyo hay’ado leh sharci iyo nidaam la saadaalin karo.

“Ma dooneyno xukun ku saleysan nin keliya, mana dooneyno xukun ku saleysan hoggaamiye-kooxeedyada. Waxaan rabnaa in dalka uu ka hanaqaado xukun ku saleysan hay’ado siyaasadeed iyo dastuuri ah, oo sharci leh, sharciguna qabanayo, laguna dacweyn karo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu sheegay in sida ay hay’adaha dhaqaalaha, bangiyada, xawaaladaha, shirkadaha isgaarsiinta iyo ganacsiyada kale ugu shaqeeyaan nidaam sharciyeed oo qeexan, ay tahay in siyaasadda Soomaaliya ay sidoo kale yeelato nidaam la mid ah.

Madaxweynaha ayaa xusay in siyaasadda ay tahay meesha keliya ee dalka aysan weli si buuxda uga jirin nidaam hay’adeed oo la saadaalin karo, isagoo sheegay in tani ay qeyb ka tahay sababaha Soomaaliya ay weli ugu jirto duruufo siyaasadeed oo adag.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ku adkeystay in hoggaamiyeyaasha siyaasadeed lagu kala xusho aragtiyadooda, barnaamijyadooda iyo siyaasadaha ay dalka u soo jeedinayaan, halkii lagu kala dooran lahaa shaqsiyaad iyo cidda xilka ka dambeysa.

Madaxweynaha ayaa tusaale u soo qaatay doorashooyinkii qof iyo cod ee ka dhacay Muqdisho iyo Galmudug, isagoo ku tilmaamay horumar weyn oo Soomaaliya ka sameysay geeddi-socodka dimuqraadiyadda.

Wuxuu sheegay in doorashooyinkaasi ay ku dhaceen si nabad ah, iyadoo boqolaal kun oo qof ay codkooda dhiibteen, xisbiyo siyaasadeed oo badanina ay ka qeyb qaateen.

“Qof qof dharbaaxay ma jirin, qof qof dhagax ku tuurtay ma jirin, ee si nabad ah ayay ku dhacday,” ayuu yiri Xasan Sheekh, isagoo tilmaamay in inkastoo ay jiraan caqabado iyo meelaha nidaamka looga baahan yahay in la hagaajiyo, haddana doorashooyinka hadda socda ay ka wanaagsan yihiin nidaamkii doorashooyinka dadban.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay muddo dheer soo martay doorashooyin dadban oo ay hareeyeen muran siyaasadeed, caqabado iyo xaalado amni, balse uu hadda muuqdo hannaan cusub oo ku saleysan ka-qaybgalka shacabka.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu rajeynayo in doorashooyinka harsan, oo ay ugu dambeyso doorashada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka, ay ku soo dhammaadaan nabad iyo xasillooni.

Xasan Sheekh ayaa si gaar ah u bogaadiyay shacabka iyo maamulka Galmudug, isagoo sheegay in doorashooyinka halkaasi ka dhacay ay tusaale u yihiin in nidaam dimuqraadi ah laga hirgelin karo Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor” ayuu uga mahadceliyay doorkiisa ku aaddan fududeynta doorashada iyo xaqiijinta jawi nabadeed.

“Galmudug nabad ah, doorasho ka suurto geli karto, nidaam dimuqraadi ahna ka hirgeli karo, qeyb weyn oo taariikhda xusi doonto ayaad ku lahayd,” ayuu yiri Madaxweynaha.