Soomaaliya oo sheegtay inay ka hortagtay waddamo doonayay inay aqoonsadaan Somaliland

0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad, oo waraysi siiyay Universal TV, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaaday dadaallo diblomaasiyadeed oo ay ku joojinaysay dalal ka fiirsanayay aqoonsiga Somaliland.

“Waa nasiib darro in Somaliland ay Israa’iil tagto oo ay gobolka kusoo kordhiso xasarado iyo khilaafyo badan. Dowladd ahaan waxaan ka shaqaynaynay inaan la aqoonsan Somaliland. Dalal badan ayaa arrinta ka fikirayay, balse dadaallada ay sameeyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo madaxda qaranka waxay horseedeen inaanay waddamo kale ku biirin,” ayuu yidhi Cali Balcad.

Waxa uu sheegay in ilaa lix waddan ay ka fikirayeen aqoonsiga Somaliland, balse dowladda Soomaaliya ay dhammaantood kala hadashay arrintaas, isagoo tusaale u soo qaatay Guinea-Bissau, oo uu sheegay inay markii dambe beenisay warar la xidhiidhay aqoonsiga Somaliland.

Cali Balcad ayaa sidoo kale ku eedeeyay Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta inay waddamo kala duwan ku riixayaan inay raacaan tallaabadii Israa’iil ee aqoonsiga Somaliland, isaga oo sheegay in dhaqaale iyo dadaal diblomaasiyadeed lagu bixinayo arrintaas.

“Dalal badan ayay la hadleen, dhaqaale badanna way ku bixinayaan. Annaguna si waanu daba joogna, waxaana ka shaqaynaynaa inaan ka hortagno dadaalladaas,” ayuu sheegay.

Wasiiru-dowluhu waxa uu intaas ku daray in ayna dowladda Soomaaliya ka walaacsanayn suurtagalnimada ay dalalka Afrika ku yaalla aqoonsan karaan Somaliland, hase yeeshee uu jiro, sida uu sheegay, olole ay Israa’iil ka waddo qaar ka mid ah waddamada ku yaalla Badweynta Baasifigga si ay u aqoonsadaan Somaliland.

Dhanka kale, Somaliland ayaa muddo dheer waday olole ay ku doonayso aqoonsi caalami ah, iyadoo sannadihii u dambeeyay xoojisay xidhiidhka ay la leedahay Israa’iil iyo waddamo kale, halka dowladda Federaalka Soomaaliya ay marar badan ku celcelisay inay ka soo horjeeddo tallaabo kasta oo lagu aqoonsanayo Somaliland.