Afar xildhibaan oo ka goostay Maamulka Waqooyi Bari oo ku biiray Somaliland

1

Afar kamid ah xildhibaannadii dhowaan ka goostay maamulka Waqooyi-bari ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay ku biireen siyaasadda Somaliland, iyagoo sheegay inay maalmaha soo socda u guurayaan magaalada Hargeysa.

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen ayaa xildhibaannadu ku sheegeen in go’aankooda uu ka dhashay qiimeyn ay ku sameeyeen xaaladda siyaasadeed, mustaqbalka deegaannada iyo masiirka shacabka ay matalaan.

Waxay sheegeen inay aaminsan yihiin in horumarka lagu gaari karo dowladnimo, midnimo, wadajir iyo ilaalinta sharciga.

“Maanta wixii ka dambeeya waxaan ka mid nahay Jamhuuriyadda Somaliland,” ayay ku sheegeen bayaankooda.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale sheegay in go’aankoodu aanu ku koobnayn dhinaca siyaasadda oo keliya, balse ay doonayaan inay ka qeyb qaataan horumarinta adeegyada bulshada, xoojinta hay’adaha dowladda iyo difaaca xuquuqda shacabka.

Bayaanka waxaa saxeexay Makhtal Siciid Maxamuud, Axmed Caabbi Xasan, Sidiiq Jaamac Muuse iyo Axmed Cali Maxamed. Wararku waxay sheegayaan in markii hore ay kooxda ka koobnaayeen shan xildhibaan, hase yeeshee aan weli la caddeyn halka uu ku biirayo xildhibaanka shanaad.