Waaxda Xakamaynta Hantida Shisheeye ee Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka (OFAC) ayaa dib u habayn ku samaysay liiskeeda cunaqabataynta, iyadoo meesha ka saartay diiwaanno is-dul-saarnaa (duplicate entries) isla markaana cusboonaysiisay xogta aqoonsiga ee qaar ka mid ah dadka iyo hay’adaha ku jira liiska.
Waaxda Hantida Maraykanka (OFAC) ayaa ku dhawaaqday wareeggii labaad ee dib-u-habaynta liiska cunaqabataynta, iyadoo meesha ka saartay magacyo hore ugu soo noqnoqday liiska isla markaana saxday xogaha aqoonsiga ee qaar ka mid ah shaqsiyaadka iyo hay’adaha.
Warbixinta ayaa caddeysay in tallaabadan aysan ka dhignayn in cunaqabatayn laga qaaday shaqsiyaadkaas, balse ay ahayd oo keliya mideynta magacyo laba jeer ugu jiray liiska.
Hay’addu waxay sheegtay in dadka iyo hantida la xiriirta magacyadaas ay weli ku jiraan cunaqabataynta Maraykanka.
Dib-u-habaynta waxaa ku jiray magaca Xasan Daahir Aweys, iyadoo laga saaray oo keliya nuqulkii labaad ee magaciisa, halka diiwaankiisii rasmiga ahaa uu weli ku sii jiro liiska cunaqabataynta ee OFAC. Sidaas darteed, xaaladdiisa sharci iyo xayiraadaha saaran wax isbeddel ah kuma imaan.
War-saxaafadeedka Waaxda Hantida Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in dib-u-eegistan ay qayb ka tahay dadaal lagu casriyeynayo liisaska cunaqabataynta si ay u noqdaan kuwo sax ah, hufan, isla markaana diiradda saara khataraha amniga qaranka ee hadda jira.
Isbeddelkan ma aha ka-qaadis cunaqabatayn, balse waa dib-u-habayn farsamo oo lagu saxayo liiska. Sidaas darteed, Xasan Daahir Aweys weli wuxuu ku sii jiraa liiska cunaqabataynta ee OFAC.











