Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daah-furtay Barnaamijka Goboleedka La-dagaallanka Tahriibinta (RCSP), oo ah qorshe saddex sano soconaya laguna xoojinayo amniga xuduudaha, awoodda hay’adaha dowladda iyo iskaashiga gobolka ee la-dagaallanka tahriibinta dadka iyo dambiyada abaabulan ee ka gudba xuduudaha.
Barnaamijka waxaa daah-furay Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), isagoo sheegay in sugidda amniga xuduudaha ay tahay mudnaan qaran oo laf-dhabar u ah ilaalinta amniga gudaha, fududeynta isu-socodka sharciga ah iyo la-dagaallanka dambiyada caalamiga ah.
Mashruuca waxaa hormuud u ah Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, iyadoo taageero ka helaysa Dowladda Boqortooyada Midowday (UK), halka Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ay fulinayso. Barnaamijkan ayaa Soomaaliya uga mid noqonaya dadaal ay si wadajir ah u fulinayaan Itoobiya, Kenya iyo Uganda.
Munaasabadda daah-furka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, hay’adaha amniga, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, wakiillo ka socday Dowladda UK, IOM iyo bahwadaag kale oo taageera maamulka xuduudaha iyo xoojinta amniga.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Xuseen Qaasim Yuusuf, ayaa sheegay in barnaamijkan uu wax ka qaban doono caqabadaha la xiriira tahriibinta dadka, socdaalka sharci-darrada ah, dukumentiyada safarka ee been-abuurka ah iyo dambiyada abaabulan ee ka gudba xuduudaha.
Sidoo kale wuxuu sheegay in qorshuhu uu diiradda saarayo horumarinta kaabayaasha maamulka xuduudaha, tababarka saraakiisha safka hore, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha iyo hirgelinta nidaamyo casri ah oo waafaqsan xuquuqda aadanaha iyo heerarka caalamiga ah.
Wasiirka Amniga Gudaha ayaa sheegay in iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Dowladda UK iyo IOM uu door muhiim ah ka qaadan doono dhismaha hay’ado amni oo casri ah, kuwaas oo awood u leh inay si hufan uga jawaabaan khataraha amni ee ka gudba xuduudaha.











