Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay waddo qiimeyn ku saabsan saameynta ka dhalan karta go’aanka Mareykanka ee lagu joojinayo taageerada saadka ee ay Qaramada Midoobay siiso Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), laga bilaabo sannadka 2027.
Afhayeenka Qaramada Midoobay, Stéphane Dujarric, ayaa sheegay in hay’addu ay billowday wada-tashiyo gudaha ah, isla markaana ay xiriir la sameyneyso Midowga Afrika, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamiga ah si loo qiimeeyo saameynta uu go’aankani ku yeelan karo howlgalka AUSSOM.
AUSSOM, oo ka kooban ku dhowaad 12 kun oo askari, ayaa si weyn ugu tiirsan adeegyada uu bixiyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), kuwaas oo ay ku jiraan gaadiidka, shidaalka, raashinka, daaweynta iyo adeegyada caafimaadka.
Go’aanka Mareykanka ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo mustaqbalka howlgalka AUSSOM, kaas oo door muhiim ah ka qaata taageeridda ciidamada ammaanka Soomaaliya ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.











