Maraykanka oo Ku Eedeeyay Garsoore Cumar Cartan In uu Xiriir La Leeyahay Kooxo Xagjir ah

2

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa difaacay go’aanka lagu diiday garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdilqaadir Cartan gelitaanka Mareykanka, maalmo yar ka hor bilaabashada Koobka Adduunka ee FIFA, isagoo ku eedeeyay inuu xidhiidh la leeyahay kooxo argagixiso sida CNN qortay.

Cumar Cartan, oo loo magacaabay garsoorihii ugu fiicnaa ee ragga Afrika sanadkii 2025, ayaa la filayay inuu noqdo qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee garsoore ka noqda tartanka Koobka Adduunka.

Bayaan ay soo saartay Hay’adda Kastamyada iyo Ilaalinta Xuduudaha Mareykanka (CBP) ayaa lagu sheegay in Cartan lagu sameeyay baadhitaan dheeraad ah markii uu soo galay dalka, kadibna lagu go’aamiyay inuusan u qalmin gelitaanka Mareykanka sababo la xidhiidha waxa ay ku tilmaantay “walaacyo ka dhashay hubinta amniga iyo baadhitaanka xogtiisa”.

Hay’addu waxay sheegtay in dhammaan dadka soo galaya Mareykanka ay maraan habraacyo baadhitaan iyo xaqiijin ah, iyadoo xustay in go’aamada gelitaanka lagu saleeyo xogaha ay hayaan hay’adaha amniga, sharci fulinta iyo socdaalka.

Diidmada gelitaanka Cartan ayaa kusoo aadaysa iyadoo maamulka Trump uu dhawaan adkeeyay xayiraado socdaal oo saameeyay muwaadiniinta dalal dhowr ah, oo Soomaaliya ku jirto. Tallaabadan ayaa qayb ka ah siyaasadaha adag ee socdaalka iyo amniga ee maamulkaasi dib u soo celiyay.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Trump weli ma uusan soo bandhigin wax caddeyn ah oo taageeraysa eedaha loo jeediyay Cumar Cartan ama xidhiidhka la sheegay inuu la leeyahay koox argagixiso.
Garsoorahan Soomaaliyeed ayaa si weyn loogu yaqaanay xirfaddiisa garsooridda kubadda cagta, isagoo sumcad sare ku dhex leh bahda garsoorka Afrika iyo FIFA, mana jiraan warar hore oo si rasmi ah ugu xidhay arrimo amni ama kooxo hubeysan.

Cartan ayaa adduunka oo dhan caan ka noqday kadib diidmada uu kala kulmay Maraykanka, iyada oo dadka kubada cagta falanqeeya ama ku lugta leh ee caalamka oodhani ku tulmaameen tallabada Washington mid nasiib daro ah.