Guddoomiye Muungaab oo ka hadlay lahaanshaha Magaalada Muqdisho

4

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay hanti ay si wadajir ah u leeyihiin dhammaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana aysan jirin cid gaar u sheegan karta.

Muungaab ayaa hadalkan ku nuuxnuuxsaday muhiimadda midnimada iyo wada lahaanshaha caasimadda dalka, isagoo xusay in Muqdisho ay tahay xarunta shacabka Soomaaliyeed oo dhan,

Muqdisho Soomaali oo dhan ayaa wada leh, cid cid kale ka sheegan karta malehGuddoomiye Muungaab.