Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa faahfaahin ka bixiyay goobta rasmiga ah ee laga qodi doono ceelka shidaalka ee Curad-1, kaas oo ka mid noqonaya mashruucyada ugu waaweyn ee dalka ee dhanka kheyraadka dabiiciga ah.
Wasiirka ayaa sheegay in ceelka Curad-1 laga qodi doono badda ku beegan dowlad goboleedka Galmudug, gaar ahaan inta u dhexeysa deegaannada Mareeg iyo Xarardheere.
“Curad-1 waxaa laga qodayaa badda ku toosan Dowlad Goboleedka Galmudug, gaar ahaan inta ku aadan Mareeg ilaa Xarardheere,” ayuu yiri wasiirku.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu xusay in goobta qodista ay aad uga fog tahay xeebaha dalka, isla markaana ay ku taallo meel badda ah oo qoto dheer, isagoo tilmaamay in masaafo ahaan ay ku dhowdahay 275 kiiloomitir oo ka fog berriga.
“Aad buu uga fog yahay barriga, waxaana u jiraa masaafo ku dhow 275 km,” ayuu sii raaciyay.
Faahfaahintan ayaa imaneysa xilli dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah isugu diyaarinayso bilowga qodista shidaalka, kadib markii markabka qodista ee Turkiga laga leeyahay ee Çağrı Bey uu soo gaaray magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiinta dowladda ayaa mashruucan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo muhiim u ah horumarinta iyo ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka, taas oo la filayo inay door weyn ka qaadato dhaqaalaha mustaqbalka Soomaaliya.











