Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid oo ka digay khilaaf siyaasadeed iyo saameynta khayraadka dalka

4

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali, ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo mustaqbalka khayraadka dabiiciga ah, isagoo muujiyay walaac ku saabsan dib u dhac ku yimaada heshiisyada muhiimka ah ee qaranka.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in khayraadka shidaalka iyo macdanta ay noqon karaan barako weyn oo dalka u horseeda horumar dhaqaale, balse sidoo kale ay sababi karaan dhibaatooyin haddii aan si wadajir ah looga gaarin heshiis siyaasadeed oo qaran.

Wuxuu tilmaamay in arrimaha muhiimka ah sida dastuurka, sharciga, doorashooyinka, iyo siyaasadaha shidaalka iyo macdanta ay u baahan yihiin is-afgarad buuxa.

Sidoo kale, wuxuu xusay in iyadoo muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka uu ku eg yahay saddex maalmood kadib, ay muuqato in la sameeyay “aamusnaan siyaasadeed” oo ku aaddan arrimahaasi, inkasta oo dastuurku si cad u qeexayo muddo xileed afar sano ah.

Ra’iisul wasaarihii hore ayaa ku baaqay in Madaxweynaha dalka, oo ah ilaaliyaha dastuurka, uu caddeeyo waxa ay ka dhigan tahay muddo kordhinta sharci darrada ah, isla markaana uu qabto shir wadatashi qaran si loo go’aamiyo hannaanka iyo waqtiga doorashooyinka federaalka.

Dhanka kale, wuxuu tilmaamay in inta badan daneeyayaasha siyaasadeed ay taageersan yihiin hannaan doorasho oo u oggolaanaya ka qeybgal ballaaran oo codbixiyeyaasha ah kursi kasta oo Baarlamaan, balse wuxuu ka digay in haddii xal la waayo waqtiga dhow, ay suuragal tahay in dalka uu galo ismariwaa siyaasadeed, khilaaf iyo kala daadsanaan.

Ugu dambeyn, Cumar Cabdirashiid ayaa carrabka ku adkeeyay in waqtigu yahay mid xasaasi ah, islamarkaana loo baahan yahay go’aano degdeg ah oo mideyn kara aragtiyada siyaasadeed si loo ilaaliyo xasilloonida iyo midnimada dalka.