Guddiga madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ku dhawaaqay in doorashada madaxtinimo ee dalkaasi ka dhacday uu ku guuleystay Ismaaciil Cumar Geelle, kaddib markii uu helay aqlabiyadda codadka dadweynaha.
Guddiga ayaa sheegay in doorashadu u dhacday si nabad ah, isla markaana natiijada ay muujinayso taageerada ballaaran ee shacabka reer Jabuuti ay u hayaan madaxweynaha.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa uga mahadceliyey shacabka codkii ay siiyeen, isaga oo sheegay in doorashadu ay ku soo dhammaatay si guul leh. DAAWO.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shacabkiisa uga mahadceliyey doorashadii sida guusha ah ku soo dhamaatay ee maanta codka aqlabiyadda ah ay ku siiyeen.











