Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo sharci-darro ku tilmaamay doorashadii kursiga HOP#204 ee Baydhabo

2

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya e la magac baxay xildhibaanada Baarlamaanka xorta ah ayaa si kulul uga hadlay doorasho shalay ka dhacday magaalada Baydhabo, taas oo lagu doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP#204 kuna soo baxay Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Xildhibaannadan ayaa sheegay in doorashadan ay tahay mid sharci-darro ah, isla markaana lagu xadgudbay dastuurka dalka iyo xeer-hoosaadka Baarlamaanka. Kursigan ayaa hore ugu fadhiyay Isaaq Cali Subag, waxaana lagu eedeeyay in si aan waafaqsaneyn sharciga looga qaaday.

Sida ku cad war-saxaafadeedka ay soo saareen, xildhibaannadu waxay tilmaameen in habka loo maray doorashada uu jebinayo Qodobka 59-aad ee Dastuurka, isla markaana uu dhaawacayo nidaamka dowladnimo iyo kalsoonida shacabka.

Waxa kale oo ay eed culus u jeediyeen guddiga doorashooyinka, iyagoo ku dhaliilay in ay ka weecdeen waajibaadkoodii sharci, ayna ku lug yeesheen fulinta go’aamo siyaasadeed oo ka yimid madaxda sare ee dowladda.

“Arrintan waxay halis ku tahay hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, waxayna muujinaysaa in hay’adihii dastuuriga ahaa loo adeegsanayo dano gaar ah,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Ugu dambeyn, xildhibaannada ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda in ay si dhow ula socdaan xaaladda, islamarkaana la ilaaliyo sharciga iyo kala dambeynta dowladnimo.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo sharci-darro ku tilmaamay doorashadii kursiga HOP#204 ee Baydhabo