Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, xarunta ku meel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed, Cabdirashiid Jibril, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, wasiiro, saraakiil ciidan iyo boqolaal ka mid ah shacabka Baydhabo.
Sida ay sheegtay Madaxtooyada Safarka Madaxweynaha ayaa diiradda saaraya dardargelinta adeegyada bulshada, xoojinta nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, horumarinta geeddi-socodka dimuqraadiyeynta, gurmadka abaaraha, iyo horumarinta dowladnimada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulamo la qaadan doonaa hoggaanka KMG ah ee dowlad goboleedka, odayaasha dhaqanka, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo Daraawiishta, iyo qeybaha kale ee bulshada, iyadoo diiradda lagu saarayo adkeynta amniga, socodsiinta adeegyada bulshada.
Madaxweynaha ayaa qorsheenaya in hogaanka Maamulka Koonfur Galbeed uu ku xoojiyo hirgelinta doorashooyinka Qof iyo Cod, si loo xaqiijiyo himilada shacabka Soomaaliyeed ee nabadda, xasilloonida iyo horumarka waara.
Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee Baydhabo ayaa timid kadib markii uu xilka iska casilay Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi Cabdicasiis Laftagareen ayna magaalada la wareegeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa la magac baxay Badbaadada Koonfur Galbeed.











