Madaxweyne Trump ayaa u sheegay weriyayaasha in Maraykanku uu ” dhowaan” ka bixi doono dagaalka Iiraan, tallaabada milatari ee Maraykankuna ay dhammaan karto “laba ama saddex toddobaad” gudahood.
Waxa uu sheegay in Maraykanku uu ku guuleystay hadafyadii loo dejiyay ka hor inta aysan bilaaban weerarrada dhanka cirka ee ka dhanka ahaa Iiraan bishii hore, kuwaas oo ay wada fuliyeen Israa’iil. Wuxuu xusay in hadafkii koowaad ee ahaa in laga horistaago Iiraan inay hesho hub nukliyeer ah la gaaray, haddana ay “shaqada dhamaystirayaan.”
Sidoo kale wuxuu xusay Trump in hoggaamiyeyaasha Iiraan ay “ka baryayaan inay heshiis la galaan” Maraykanka si loo soo afjaro dagaalka, taas oo ay markii hore Iiraan beenisay. Waxa uu intaas ku daray in dagaalku uu dhammaan karo xataa haddii aan la gaarin heshiis dhex mara labada dhinac.











