Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Kulan La Qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha iyo Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed

7

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta kulan la qaatay sii hayaasha wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyo sidoo kale Odayaasha Dhaqanka iyo malaaqyada deegaanada Koonfur Galbeed, xilli uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa howlaha wasaaradaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, si aysan u hakad gelin adeegyada bulshada, iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada dowlad-dhiska iyo dib-u-heshiisiinta deegaanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ka qeyb galayaasha kulanka warbixin ka siiyey ujeedka imaanshihiisa Baydhabo, isagoo ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in adeegyada bulshada si hufan loo sii wado inta lagu guda jiro diyaar garowga doorashooyinka deegaanka.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo malaaqyada Koonfur Galbeed ayaa muujiyey soo dhoweyn iyo taageero ay u hayaan wafdiga Dowladda Dhexe ee uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyagoo bogaadiyey qorshayaasha dowladda ee ku aadan dhisida nidaam dowladeed oo hagaagsan iyo horumarinta deegaanada Koonfur Galbeed.

Aadan Madoobe ayaa ugu horreyn odayaasha dhaqan iyo malaaqyada uga mahadceliyey doorkooda dhinaca dhaqanka, wuxuuna kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan kaalintooda ku aadan dib-u-heshiisiinta iyo dowlad-dhiska Koonfur Galbeed, isagoo sheegay in Dowladda Federaalka ah ay muhiimad gaar ah siinayso doorka odayaasha dhaqanka.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, xildhibaano, iyo masuuliyiin kale.