Soomaaliya iyo AUSSOM oo Daah-furay Barnaamij Cusub oo Lagu Xoojinayo Amniga iyo Xasilinta Dalka

1

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa si rasmi ah u daah-furay Barnaamijka Wadajirka ah ee Taageerada Xasilinta iyo Awood-siinta hay’adaha amniga, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Barnaamijkan oo lagu qabtay xarunta General Kahiye, ayaa diiradda saaraya xoojinta awoodda hay’adaha amniga, horumarinta xirfadaha shaqaalaha, iyo casriyeynta qalabka iyo hababka shaqo si loo helo nidaam amni oo hufan, waara, isla markaana ku dhisan isla-xisaabtan iyo wada-shaqeyn joogto ah.

Munaasabadda daah-furka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Cismaan Cabdullaahi, La-taliyaha Amniga Qaranka, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, iyo Madaxa howlgalka AUSSOM, El Hadji Ibrahima Diene.

Sidoo kale waxaa goob-joog ahaa Taliyaha Booliska AUSSOM, Hillary Sao Kanu, iyo masuuliyiin ka socotay UNSOS, oo door muhiim ah ku leh taageerada farsamo iyo agab.

Wasiir Fartaag ayaa sheegay in barnaamijkan uu muhiim u yahay dhismaha hay’ado amni oo awood leh, isagoo xusay in la xoojin doono tababarrada, qalabaynta, iyo horumarinta kaabayaasha si loo taageero howlaha nabad-ilaalinta iyo xasilinta dalka.

Dhanka kale, dowladda Japan ayaa maalgelisay barnaamijkan, waxaana si gaar ah loogu mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dib-u-dhiska hay’adaha, iyo horumarinta nabadda.