Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Aqalka Madaxtooyada ee Muqdisho ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala dalka, isaga oo la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sida madaxtooyadu sheegtay, guulaha ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iska kaashadeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin hagaajinta amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan, dadaallada gurmadka abaaraha, iyo qorsheyaasha ku aaddan hirgelinta doorashooyin toos ah.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta midnimada iyo wadajirka ummadda.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay safiirrada taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib u dhiska dowladnimada, amniga iyo kobcinta dhaqaalaha, isaga oo xusay in dowladdiisu ay sii wadi doonto iskaashi ku saleysan dano wadaag iyo ixtiraam.
Dhanka kale, xogo laga helay ayaa sheegay in madaxweynaha uu caddeeyay wakiillada caalamka sida ay uga go’an tahay dhameystirka doorashada qof iyo cod ah, isaga oo tilmaamay in nidaamkan uu yahay mid lagu xaqiijin karo isbeddel siyaasadeed oo nabdoon.
Wuxuu sheegay in dowladdiisu ay bilowday wada-hadallo siyaasadeed, balse uu ku eedeeyay qaar ka mid ah mucaaradka inay caqabad ku yihiin horumarka arrintan.
Madaxweynaha ayaa u sheegay wakiillada caalamiga ah in uu qorsheynayo in kahor bisha May la dhameystiro hannaan doorasho oo laga hirgelinayo dowlad-goboleedyada dalka.
Qaar ka mid ah wakiillada caalamiga ah ee kulanka ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo wada-xaajood dhab ah iyo in la gaaro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, si loo xaqiijiyo hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay.











