Israa’iil oo sheegtay inay dishay taliyihii ciidanka badda ee Iran, Alireza Tangsiri

3

Dowladda Israa’iil ayaa sheegtay in duqayn cirka ah ay ku dishay taliyihii ciidanka badda ee Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC), Alireza Tangsiri, xilli uu sii xoogeysanayo dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil, iyo Iran.

Wasiirka gaashaandhigga Israa’iil, Israa’iil Katz, ayaa bayaan muuqaal ah ku sheegay in weerarka la fuliyay habeenimadii Arbacada, isla markaana lagu badhtilmaameedsaday Tangsiri iyo saraakiil kale oo sare oo ka tirsanaa ciidanka badda.

Katz ayaa ku eedeeyay Tangsiri inuu si toos ah uga dambeeyay qorshayaal lagu carqaladeynayo marinka muhiimka ah ee Hormuz, isagoo sheegay in la “dilay lagana takhalusay” taliyahaasi.

Wararka ka imanaya dhinaca Israa’iil ayaa tilmaamaya in Tangsiri lagu dilay magaalada dekedda ah ee Bandar Abbas, halkaas oo uu ka hoggaaminayay hawlgallo lagu xakameynayo maraakiibta maraysa marin-biyoodka istiraatiijiga ah.

Ilaa hadda, dowladda Iran si rasmi ah umay xaqiijin geerida Tangsiri. Hase yeeshee, haddii la xaqiijiyo, waxay noqon doontaa dharbaaxo culus oo ku dhacday hoggaanka milateriga Iran, maadaama bilihii u dambeeyay la dilay saraakiil sare oo badan.

Tangsiri waxa uu ahaa sarkaal si weyn looga yaqaanay gudaha Iran, isaga oo door muhiim ah ka qaatay horumarinta istiraatiijiyadda ciidamada badda ee IRGC, gaar ahaan adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) iyo xoojinta awoodda lagu maamulo marin-biyoodka Hormuz.

Dagaalka socda tan iyo dabayaaqadii bishii February ayaa sababay khasaare ballaadhan oo gaadhay shacabka rayidka ah. Dowladda Iran ayaa sheegtay in ku dhowaad 2,000 qof ay ku dhinteen, kumannaan kalena ay ku dhaawacmeen, oo ay ku jiraan haween iyo carruur tiro badan.

Dhanka kale, taliyaha ciidamada Maraykanka ee Bariga Dhexe, Admiral Brad Cooper, ayaa sheegay in dilka Tangsiri uu “ammaanka gobolka kordhinayo,” isagoo xusay in inta badan awooddii badda ee Iran la burburiyay intii uu socday dagaalka.