Dowlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa si xooggan u cambaareysay falka maanta ka dhacay deegaanada Buurhakaba iyo Waajid, halkaas oo diyaarado hubeysan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hub iyo saanado milatari geyeen.
War ka soo baxay wasaarada amniga Koofur galbeed ayaa waxaa ay arrintan ku tilmaantay mid halis ah, iyadoo sheegtay in hubka loogu talagalay la-dagaallanka kooxaha argagixisada loo adeegsaday burburinta maamulka KGS.
Sidoo kale waxaa ay beesha caalamka ugu baaqday inay arrintan soo farageliyaan.
“Tallaabadan foolxumada ah waxay muujineysaa sida hubka, diyaaradaha, iyo taageerada caalamiga ah ee loogu talagalay la-dagaallanka argagixisada loogu mis-use gareeyay si looga waxyeelooyo shacabka rayidka ah.” Ayaa lagu yiri warka.











