Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay magacaabis rasmi ah oo lagu dhisayo maamulka cusub ee Degmada Waajid.
Magacaabistan ayaa waxaa ka muuqday Xasan Cabdi Isaaq (Bootoole) loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Waajid, Maxamad C/raxmaan Maxamad (Jugle) loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Degmada, Aadan Cali Kalow loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Degmada iyo Ayaanle Cabdi Dhuux Yare loo magacaabay Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada.
Wasaaradda ayaa tilmaantay in dhammaan kuwa la magacaabay ay isla maanta la wareegaan xilka, si ay si hufan ugu adeegaan bulshada deegaanka, Odayaasha dhaqanka iyo dhammaan dadka ay khusayso waxaa la faray in ay magacaabistan si rasmi ah u taageeraan.
Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayaa dhalisay muran siyaasadeed, Xildhibaan Maxamed Xasan Murjaan ayaa sheegay in Wasiirku sharci ahaan uusan awood u lahayn in uu magacaabo guddoomiye degmo xitaa Gobolka Banaadir, isagoo sabab uga dhigay qodobka 142 ee dastuurka Federaalka, kaasoo si cad u xaddidaya awoodaha dowladda federaalka.
Murjaan ayaa intaa ku daray in tallaabadan ka baxsan shuruucda dalka ay halis weyn ku tahay nidaamka federaalka iyo xasilloonida guud ee dalka, isla markaana ay u muuqato in dowladda federaalka ay mar kale ku celisay magacaabisyo ka horimaanaya dastuurka.
Sidoo kale Xildhibaan Cabdirashiid Jilley ayaa sheegay in aysan ka aqbaleenin Wasiirka arrimaha Gudaha magacaabista uu Maamulka ugu sameeyay Degmada Waajid waxaana uu tilmaamay in ay tallaabaani ay u arkayaan mid duminaysa nidaamka federaalka.
“Cali Xooshow Markaad Garoowe guddoomiyaha degmada magacawdo, Kismaayo magacawdo, Jowhar magacawdo, dhuusamareeb magacawdo oo ay kuu shaqeyso- kadib waan kuu ogolnahay Waajid. Waxaadan ka sameyn karin soomaaliya meel kamid ah, marka Xamar laga reebo kaama yeeleyno inaad Koonfurgalbeed ka sameyso” ayuu Xildhibaan Cabdirashiid Jilley.













