Xiisada ka taagan Baabul Mandab iyo Jabuuti oo heegan gelisay ciidankeeda

0

Dowladda Jabuuti ayaa heegan sare gelisay ciidankeeda badda, iyadoo bilowday kormeer joogto ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka marin-biyoodka Baab Al‑Mandeb, kadib hanjabaado ka yimid kooxda Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay xannibi karaan marinkaasi.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha gobolka, iyadoo Xuutiyiintu ay taageero ka helayaan Iiraan, taasoo sare u qaadday walaaca ku aaddan amniga marin-biyoodka muhiimka ah ee isku xira ganacsiga caalamka.

Marin-biyoodka Baab Al-Mandeb ayaa lagu qiyaasaa in uu maro qiyaastii 12% ganacsiga adduunka, waxaana muhiimaddiisu sii korortay kadib markii Iiraan ay xirtay marin-biyoodka Hormuz, sida ay werisay Al Jazeera.

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ciidamadeeda badda ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaq kasta oo ka dhaca aagga, isla markaana ay diyaar u yihiin ka hortagga wax kasta oo halis gelin kara socodka maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah.

Xiisaddan ayaa laga cabsi qabaa inay saameyn ku yeelato dhaqaalaha caalamka iyo amniga marin-biyoodka Geeska Afrika, iyadoo indhaha dunidu ay hadda ku sii jeedaan xaaladda ka taagan Baab Al-Mandeb.