Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in dalka uu galayo marxalad doorasho oo loo dhan yahay, isla markaana ku saleysan shuruucda dalka.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in doorashadu ay tahay xuquuq dastuuri ah oo uu leeyahay muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, taas oo door muhiim ah ka qaadata xoojinta kalsoonida shacabka, kor u qaadista hufnaanta, iyo ka qaybgalka bulshada ee doorashada hoggaanka dalka.
Wasaaradda ayaa hoosta ka xarriiqday in geeddi-socodka doorashooyinka uu noqon doono mid xor ah oo xalaal ah (free and fair), kuna dhisan mabaadi’da dimuqraadiyadda, isla xisaabtanka iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.
Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in dhammaan hay’adaha ku lugta leh doorashooyinka ay si dhow u gudan doonaan waajibaadkooda, iyagoo raacaya shuruucda iyo nidaamyada dalka u yaalla.
Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay ka go’naanshaheeda ku aaddan xoojinta dowladnimada, hirgelinta dimuqraadiyadda, iyo dhisidda nidaam doorasho oo hufan oo lagu kalsoonaan karo.











