Koonfur-Galbeed oo magacaawday Guddiga Doorashada kadib muran ka dhashay warqadda DFS

1

Maamulka Koonfur-Galbeed ayaa magacaabay Guddiga Doorashada, tallaabadaas oo lagu sheegay in ay jawaab degdeg ah u tahay warqad kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo lagu eedeeyay in ay sababtay kala qeybsanaan ku saabsan dadka iyo deegaanada Koonfur-Galbeed.

Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka Koonfur-Galbeed ayaa lagu sheegay in magacaabista guddigan ay qeyb ka tahay dadaallo lagu badbaadinayo hanaanka maamulka, isla markaana lagu xaqiijinayo in ay ka qayb qaataan doorashooyinka dadban ee dalka.

Tallaabadan ayaa u muuqata mid jawaab u ah qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsan hirgelinta doorashooyin loo dhan yahay oo ay ku wada jiraan dhammaan heerarka kala duwan ee dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in ay ka go’an tahay hirgelinta doorashooyin hufan, loo siman yahay, isla markaana ay ka qayb qaataan dhammaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed.

Hase yeeshee, arrintan ayaa imaaneysa xilli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira habka loo wajahayo doorashooyinka  guud ee dalka.

May be an image of ‎text that says "‎Dowladda Koonfur Soomaaliya Madaxweyanaha South West State الصومال غرب جنوب حكومة مكتب Somalia Ujeeddo: Guddiga Madaxa banana Doorashooyinka DKGS. XEER MAGACAABID Xuduudaha 162. 23, MARCH 2026, MADAXA BANAAN XUDUUDAHA IYO DKGS. Markuu Madaxweynaha Dowladda Koonfür Galbeed Soomaaliya Dastuurka KMG Markuu JFS xarafka Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Qodobka 50aad laad, 2aad iyo Qodobka 60aad Faqradda laad yahay Guddiga Madaxa banaan WUXUU soo Xuduudaha Qodobka Magacaabid Guddi taariikhdu tahay, 23March 2026, DKGS, Guddiga Madaxa banaan Xuduudaha iyo Doorashooyinka Magacyadooda hoose, MAGACA DARAJADDA raxmaan Xubin Maxamed Cusmaan raxmaan Maxamed Ibraahim Xeerkan Koonfur Galbeed dhaqan-gal Cabdicasiis Maxamed Madaxweynaha DKGS.‎"‎