Bulshada Rayidka oo Ka Digay Xiisadaha Siyaasadeed ee u Dhexeeya Dowladda Federaalka Iyo Koonfur Galbeed

7

Ururka bulshada rayidka Soomaaliyeed ee SONSA ayaa muujiyay walaaca xooggan ee sii kordhaya ee xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo isu beddelay iska hor imaadyo sababay khasaare dhimasho iyo barakac dad rayid ah.

Bayaan uu ururku soo saaray ayaa lagu sheegay in bulshada rayidka ay si dhow ula socotay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isla markaana ay hore uga digtay khatarta ka dhalan karta muranka siyaasadeed haddii uu isu rogo rabshado.

SONSA waxay sidoo kale xustay inay marar badan ugu baaqeen madaxda siyaasadda inay dib u bilaabaan wadahadal loo dhan yahay si xal looga gaaro arrimaha muhiimka ah ee qaranka sida doorashooyinka, wax ka qabashada abaarta, iyo amniga.

Ururka ayaa si gaar ah uga digay isticmaalka ciidamada dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada ee lagu dhex milo khilaafaadka siyaasadeed, isagoo sidoo kale ka hadlay khatarta ka iman karta abaabulka maleeshiyaad beeleed, taas oo keeni karta in khilaafka siyaasadeed isu beddelo dagaal beeleed ballaaran.

SONSA waxay tilmaantay inay jiraan caqabado ay ka mid yihiin abaaraha daran, amni darro, khataro ku wajahan midnimada qaranka, iyo baahida loo qabo adeegyo dowladeed oo wax ku ool ah, Waxaa intaas dheer saameynta colaadaha ka aloosan Bariga Dhexe, taas oo sii adkeyn karta xaaladda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, ururka SONSA ayaa soo jeediyay talooyin ay ka mid yihiin in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal masuuliyad leh oo dhexmara Dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbeed, in la ixtiraamo xorriyadda dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta, in laga fogaado hurinta iyo abaabulka beelaha, iyo in la ilaaliyo badbaadada dadka rayidka ah.