Djabuuti oo isu diyaarinaysa doorashada madaxtinimo

4

Dalka Jabuuti ayaa isu diyaarinaya doorashada madaxtinimo ee soo socota, iyadoo la filayo in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu mar kale u tartamo xilka uu hayo tan iyo 1999-kii.

Doorashada ay ka mid noqon doonto hal musharax oo keliya oo tartamaya Madaxweynaha, taasoo ah Maxamed Faarax Samatar, kaas oo hore uga tirsanaa xisbiga talada haya, isla markaana hadda hoggaamiya xisbiga CDU.

Jabuuti, oo ay ku nool yihiin ku dhawaad hal milyan oo qof, ayaa leh muhiimad istaraatiiji ah oo aad u weyn maadaama ay ku taallo meel u dhow Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, halkaas oo ay ku yaallaan saldhigyo ciidan oo muhiim u ah dalal ay ka mid yihiin Mareykanka, Shiinaha iyo Faransiiska.

Madaxweyne Geelle, oo hadda 78 jir ah, ayaa qorsheynaya inuu markiisii lixaad tartamo 10-ka Abriil, ka dib markii sharci-dajiyayaashu ay wax ka beddeleen dastuurka bishii Nofembar si meesha looga saaro xadka da’da ee 75 sano.

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ismaaciil cumar Geelle ayaa ku guuleystay in ka badan 97% codadka, taasoo muujisay taageero aad u xooggan oo uu ku dhex leeyahay siyaasadda dalka.