Maamulka Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa si ku-meel-gaadh ah u fasaxday in saliidda Iiraan lagu iibiyo badda muddo 30 maalmood ah, tallaabadan oo lagu doonayo in lagu dejiyo qiimaha shidaalka ee cirka isku shareeray kadib dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil iyo Iiraan.
Go’aankan oo ay soo saartay Wasaaradda Maaliyadda ee Maraykanka ayaa la filayaa in uu suuqa caalamka ku soo kordhiyo ku dhawaad 140 milyan oo foosto oo saliid ah, arrintaas oo la rumaysan yahay inay yareyn doonto culayska saaran sahayda tamarta. Wasiirka Maaliyadda Scott Bessent ayaa sheegay in tallaabadan ay si degdeg ah u saamayn karto hoos u dhaca qiimaha shidaalka.
Tallaabadan ayaa muujinaysa walaaca Aqalka Cad ka qabo sare u kaca qiimaha shidaalka, xilli uu socdo dagaal muddo ku dhow saddex toddobaad ka socday Iiraan, kaas oo si toos ah u saameeyey ganacsiyada iyo macaamiisha Maraykanka, gaar ahaan iyadoo ay soo dhow yihiin doorashooyinka dhexe ee bisha November.
Ruqsaddan cusub ayaa oggolaanaysa in saliidda Iiraan la keeno Maraykanka haddii ay lagama maarmaan noqoto si loo dhammaystiro iibkeeda ama gaadhsiinteeda, inkastoo aan si cad loo ogayn in saliiddaasi si dhab ah u geli doonto gudaha Maraykanka, maadaama aanu dalkaasi si weyn u soo dejin saliidda Iiraan tan iyo curashada kacaanka Iiraan sannadkii 1979.
Dalalka qaaradda Aasiya ayaa la filayaa inay si weyn uga faa’iidaystaan tallaabadan, maadaama ay yihiin kuwa ugu badan ee iibsada saliidda Bariga Dhexe. Shirkadaha sifeynta ee madaxbannaan, gaar ahaan kuwa Shiinaha, ayaa hore u ahaa kuwa ugu badan ee iibsada saliidda Iiraan, iyaga oo ka faa’iidaysanaya qiimo-dhimisyo ka dhashay cunaqabataynta saaran dalkaasi.
Dhanka kale, khubarada tamarta ayaa ka digaya in tallaabooyinkan aanay saamayn muuqata yeelan doonin ilaa dib loo furo marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz, kaas oo Iiraan si wax ku ool ah u xanibtay, isla markaana ay mari jirtay qiyaastii 20% saliidda adduunka.
Qiimaha shidaalka ayaa sare u kacay ku dhawaad 50% tan iyo markii weerarradu billowdeen dabayaaqadii February, iyadoo Iiraan ay jawaab ay ka bixisay weerarrada ku beegsatay Israa’iil iyo dalalka Khaliijka ee martigeliya saldhigyada Maraykanka. Khubaradu waxay tilmaamayaan in fududeynta cunaqabatayntu ay muujinayso in Washington ay wajahayso yaraansho ku yimid xulashooyinka dhaqaale ee ay ku xakamayn lahayd kororka qiimaha shidaalka.











