Madaxweyne Laftagareen oo tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed

4

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa si rasmi ah u soo xiray tababar loo qabtay cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, kuwaas oo loo diyaariyey xoojinta amniga deegaannada maamulkaasi.

Cutubyadan ayaa intii uu socday tababarku lagu baray xirfado muhiim ah oo la xiriira ilaalinta amniga, la dagaallanka falalka lidka ku ah nabadda, iyo taageeridda howlaha dowladnimada. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey ciidamada dadaalkooda, wuxuuna ku dhiirrigeliyay inay si hufan oo daacadnimo leh u gutaan waajibaadkooda, gaar ahaan ka hortagga cid kasta oo lid ku ah dowladnimada Koonfur Galbeed.

Mudane Laftagareen ayaa sidoo kale xusay in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay ka go’an tahay xoojinta tayada iyo tirada ciidamada ammaanka, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo horumar guud oo laga gaaro gobolka. Wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyey Ciidanka AUSSOM iyo Dowladda Itoobiya oo door ka qaadanaya tababarka iyo tayeynta ciidanka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey dhammaan wasiirrada, saraakiisha amniga iyo guud ahaan shacabka Koonfur Galbeed sida ay garab istaagga ugu muujiyeen ciidamada, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta bulshada iyo hay’adaha ammaanka.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli gobolka Baay ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo hubeysan oo iska soo horjeeda, kuwaas oo xaaladda amni ee gobolka ka dhigaya mid xasaasi ah.