Koonfur Galbeed oo ka digtay cawaaqibta ka dhalan karta Ciidanka Qaranka oo dano siyaasadeed loo adeegsado

4

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa si kulul uga hadlay tallaabadii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ciidamo ugu dirtay magaalada Baraawe, isagoo ku tilmaamay mid khatar ku ah nidaamka federaalka iyo jiritaanka dowlad goboleedka.

Guddoomiyaha Cali Fiqi ayaa sheegay in arrintan aysan ahayn dhaqdhaqaaq ciidan oo caadi ah, balse ay tahay tallaabo si toos ah u taabaneysa xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

Wuxuu xusay in nidaamka federaalka Soomaaliya loo dhisay si looga fogaado isku dhacyo noocan oo kale ah.

“Dadka Koonfur Galbeed arrintan uma arkaan hoggaan, waxay u arkaan weerar lagu soo qaaday jiritaankooda,” ayuu yiri Guddoomiyuhu.

Wuxuu sidoo kale ka digay in ciidanka qaranka lagu dhex daro khilaafaad siyaasadeed, taasoo uu sheegay inay dhaawaceyso kalsoonidii shacabka.

“Marka ciidanka qaranka loo adeegsado arrimo siyaasadeed, wuxuu luminayaa sumcaddii midnimo, wuxuuna noqdaa mid cabsi abuura,” ayuu raaciyay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sidoo kale xusay in xaaladdan ay si gaar ah u xanuun badan tahay marka la eego dadaalladii dheeraa ee beesha caalamka ku bixisay dib u dhiska Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay in in ka badan labaatan sano lagu bixiyay maalgelin, tababar ciidan iyo dhisidda hay’ado dowladeed si dalka loogu soo celiyo xasillooni iyo kalsooni.

“Dadaalkaas oo dhan iyo naf huristaas waxaa loogu talagalay in la helo dowladnimo iyo kalsooni, Maanta waxaa muuqata in guulihii la gaaray halis la gelinayo,” ayuu yiri.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay ka fiirsato tallaabooyinka noocan oo kale ah, islamarkaana la ilaaliyo nidaamka federaalka iyo wada shaqeynta dowlad goboleedyada, si looga fogaado xaalado keeni kara qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.