Dowladda Soomaaliya oo hakisay duulimaadyadii Baydhabo kadib xiisadda KGS

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hakisay duulimaadyadii aadi jiray magaalada Baydhabo, xarunta gobolka Baay, kadib markii uu sii xoogaystay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan maamulka Koonfur Galbeed (KGS) iyo Dowladda Federaalka.

Sida wararka soo baxaya ay sheegayaan, ilaa saakay ma jirin wax duulimaad ah oo ka tagay ama ku sii jeeday magaalada Baydhabo, iyadoo hakinta duulimaadyada ay saameysay rakaabka caadiga ah.

Sidoo kale, wararka ayaa tilmaamaya in kaliya loo oggol yahay in Baydhabo tagaan diyaaradaha Qaramada Midoobay (UN) iyo kuwa gargaarka, iyadoo diyaaradaha ganacsi iyo rakaabka kale aysan awoodin inay u safraan halkaasi.

Khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka KGS ayaa gaarsiisan heer uu maamulka KGS ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaro Dowladda Federaalka, taasoo ka dhalatay arrimo siyaasadeed iyo kala aragti duwanaansho ku saabsan maamul-goboleedka iyo awood qaybsiga dalka.