Xubnaha Soomaaliya ee Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika oo Lagu Dhaariyey Arusha

4

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania iyo Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), Mudane Ilyas Ali Hassan, ayaa shaaciyay in maanta magaalada Arusha lagu dhaariyey xubnaha Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika (EALA).

Safiirku wuxuu sheegay in talaabadan ay guul siyaasadeed u tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay muujinayso doorka iyo ka qeybgalka firfircoon ee Soomaaliya ku leedahay ururka Bulshada Bariga Afrika.

Mudane Ilyas Ali Hassan ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka, isdhexgalka, iskaashiga, nabadda iyo horumarka dalalka ku mideysan Bulshada Bariga Afrika iyo guud ahaan gobolka.

Ugu dambeyn, safiirku wuxuu u mahadceliyay madaxda qaranka, gaar ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Hassan Sheikh Mohamud, oo door weyn ka qaatay dadaallada lagu xoojinayo ka qeybgalka Soomaaliya ee ururka.