Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta ku wargelisay dhammaan saraakiisha in aysan magaalada Baydhabo uga bixi karin wax safar ah ilaa amar dambe.
War saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda amniga ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Amarkan lagu soo rogay saraakiisha ay qeyb ka tahay si loo xaqiijiyo amniga iyo xasiloonida guud ee deegaanada Dowladda Koonfur Galbeed.
“Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyada oo ka duuleysa masuuliyadda ka saaran sugidda Amniga iyo xasiloonida guud ee deegaanada Dowladda KGS, waxay halkan ku wargelinaysaa dhammaan saraakiisha kor ku xusan in laga bilaabo maanta oo ay taariikhda tahay 16/03/2026 aysan magaalada Baydhabo uga bixi karin wax safar ah ilaa amar dambe inta laguguda jiro howlo Amniga lagu xaqiijinayo, Sidaas darteed, dhammaan saraakiisha iyo mas’uuliyiinta ku xusan warqaddan waxaa la farayaa inay u hoggaansamaan amarkaan, ilaa amar kale oo rasmi ah ka soo baxo Wasaaradda Amniga Gudaha DKS.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda.
Warar hore ayaa sheegayay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u yeertay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada si ay todobaadkan usoo galaan magaalada Muqdisho, Ilaa hadda, qaar ka mid ah saraakiishan ayaa durbaba soo gaarey Muqdisho, halka kuwa kale wali aan war laga haynin imaanshahooda ama go’aankooda ku aaddan yeeritaanka.
Saraakiisha loo yeeray waxaa qeyb ka ah sida aan xogta ku helnay Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Qaybta Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed, G/sarre Maxamuud Shaahiyow, iyo Taliyaha Qaybta 60 aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Maxamed Yariisow Aadan.












