Waxaa xalay magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaca waqooyi, lagu dilay Xidigle Axmed Cali Ciise (Dulyare), oo ka mid ahaa ciidamadii cusub ee Booliiska ee dhawaan lagu soo kordhiyay gobolka Mudug.
Dad goob-joogayaal ah ayaa xaqiijiyay in dilka uu geystay askari kale, hase yeeshee baaritaanno dheeraad ah ayaa weli socda si loo ogaado sababta dhabta ah ee ka dambeysay falkaas.
Hay’adaha amniga ayaa sheegay in askariga falka geystay uu hadda ku jiro gacanta ciidamada ammaanka, isla markaana sharciga loo horgeyn doono marka baaritaanku dhamaado.
Axmed Kheyr, oo ahaa askari ka mid ah kuwa dhawaan lagu soo kordhiyay Ciidanka Booliiska Puntland ee Gaalkacyo, ayaa la sheegay inuu ahaa mid ka shaqeynayay sugidda ammaanka iyo kala dambeynta magaalada.
Dilkan ayaa ku soo beegmaya xilli dadaallo ballaaran oo lagu xoojinayo ammaanka Gaalkacyo ay socdaan, iyadoo ciidamada ammaanku ay kordhiyeen howlgalada ka hortagga falalka amni-darrada ah.
Maamulka Puntland ayaan weli si rasmi ah uga hadlin falka dilka ah ee loo geystay Marxuumka.











