Ciidamo ka soo horjeeda Lafta Gareen oo dagaal kula wareegay Qansax-dheere.

0

Dagaal xooggan ayaa maanta waxaa uu ka dhacay degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay, kaasi oo dhexmaray ciidamada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya iyo ciidamo ka soo horjeeda maamulkaasi.

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka kadib ay degmada la wareegeen ciidamo isku magacaabay Badbaadada Koofur Galbeed, kuwaas oo ka saaray ciidamada daacadda u ah maamulka uu hoggaamiyo Cabdicasiis Maxamed Laftagareen.

La wareegidda Qansax-dheere ayaa noqoneysa degmadii labaad ee ka baxda gacanta maamulka Koofur Galbeed, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka taagan deegaanno ka tirsan maamulkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa tilmaamaya in dadka deegaanka ay bilaabeen inay ka barakacaan guryahooda, iyagoo ka cabsi qaba in dagaalladu ay sii xoogaystaan isla markaana ay dhibaato ka soo gaarto shacabka ku nool degmada.

Ilaa hadda ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo xaaladda guud ee degmada Qansax-dheere.