Faransiiska iyo Talyaaniga oo wada-hadallo la furay Iran si loo furo marinka Hormuz

2

Dowladaha Faransiiska iyo Talyaaniga ayaa bilaabay wada-hadallo ay la furayaan Iran si loo sugo in maraakiibta Yurub ay si nabad ah uga gudbaan marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz, sida uu qoray wargeyska Financial Times.

Warbixintu waxay sheegtay in wada-hadalladan ay ujeeddadoodu tahay in dib loo bilaabo dhoofinta tamarta ka timaada Khaliijka, ka dib markii marinkan muhiimka ah uu si weyn u hakaday sababo la xidhiidha weerarro lagu qaaday maraakiibta shidaalka qaada iyo hanjabaad ka timid hoggaanka cusub ee Iran oo sheegay in marinku sii xidhnaan doono.

Marinka Hormuz ayaa ah meel istaraatiiji ah oo ay maraan ku dhawaad shan meelood meel (20%) shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee dunida laga dhoofiyo, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah marinnada ganacsi ee ugu muhiimsan caalamka.

Saraakiil xog-ogaal u ah wada-hadallada ayaa sheegay in dowladaha Yurub ay doonayaan in ay gaadhaan heshiis u oggolaanaya maraakiibtooda inay si ammaan ah uga gudbaan marinka, isla markaana aan sii ballaadhin xiisadda militari ee gobolka. Si kastaba ha ahaatee, weli ma cadda in Iran diyaar u tahay inay gasho wada-xaajood rasmi ah ama in wadahadalladu guul gaadhi doonaan.

Dowladaha Yurub ayaa si gaar ah uga walaacsan saameynta ay ku yeelan karto xannibaadda joogtada ah ee Hormuz dhaqaalaha iyo qiimaha tamarta. Qiimaha shidaalka ayaa kor u kacay ilaa $100 halkii foosto, halka uu sanadkan bilowgiisii ka ahaa ku dhawaad $60, halka qiimaha gaaska dabiiciga ah ee Yurub uu kordhay ku dhawaad 75%.

Dhanka kale, Talyaaniga, Faransiiska iyo Giriigga ayaa maraakiib dagaal ka joogaan Badda Cas, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka badeed ee Midowga Yurub ee Aspides, balse saraakiil ayaa sheegay in ciidamada badda ee Yurub ayna weli diyaar u ahayn inay si toos ah u ilaaliyaan maraakiibta ka gudbaysa Hormuz haddii ay jirto khatar weerar, maadaama arrintaasi ay sii hurin karto colaadda ka taagan gobolka.

Tallaabadan diblomaasiyadeed ayaa imanaysa xilli xiisadda Bariga Dhexe ay sare usii kacayso, iyadoo waddamo badan oo Yurub ah ay ka baqayaan in xannibaadda marinka Hormuz ay saameyn weyn ku yeelato sahayda tamarta ee caalamka.