Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Djibouti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood ah oo ay la yeesheen Madaxweynaha Jabuuti Ismaïl Omar Guelleh iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga saddexda dal, gaar ahaan amniga gobolka, la dagaallanka argagixisada, dadaallada dimuqraadiyeynta Soomaaliya iyo xasilloonida guud ee Geeska Afrika.
Madaxdu waxay sidoo kale ka wada hadleen horumarinta maalgashiga, fududeynta isu-socodka iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha si loo xoojiyo isdhexgalka iyo koboca dalalka gobolka.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dhinacyada ay ka wadahadleen in dib loo soo celiyo wadahadalada Siyaasaddeed ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Soomaaliland, iyadoona arrintan ay kaalin ka qaadanayaan madaxda Jabuuti iyo Itoobiya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti martigelinta kulankan, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay sii wadista wada-tashiyada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga dalalka gobolka.











