WHO: Todoba ka mid ah tobankii qof oo Soomaali ah waxay ku nool yihiin wax ka yar 1.9 dollar

6

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay  toddoba ka mid ah tobankii qof oo Soomaali ah in ay ku nool yihiin dakhli ka yar $1.90 maalintii, taasoo muujinaysa baahida sii kordheysa ee kaabayaasha nafaqo iyo taageerada bani’aadamnimo.

Sida WHO ay tilmaantay, Soomaaliya oo lagu qiyaasay 19.4 milyan, waxaa ka jira saboolnimo baahsan. Hay’adda ayaa sheegtay in dhibaatooyinka soo noqnoqda ee cimilada, colaadaha daba dheeraaday, amni xumada, iyo kaabayaasha hooseeya ay saameyn weyn ku yeesheen helitaanka cuntooyin nafaqo leh.

Inta u dhaxaysa Febraayo iyo Maarso 2026, WHO ayaa ku qiyaastay in 6.5 milyan oo qof ay la kulmayaan heerar sare oo macluul daran, taasoo ah ku dhawaad laba jibaar tiradii Agoosto 2025.

Waxaa ka mid ah in ka badan 2 milyan oo qof ay ku jiraan xaalad degdeg ah oo heerrka labaad ah. Sidoo kale, 1.84 milyan oo caruur ah oo da’doodu u dhaxayso 6–59 bilood ayaa halis ugu jira nafaqo-xumo, iyadoo 483,000 oo ka mid ah ay wajahayaan xaalad nafaqo-xumo daran.

WHO waxay sheegtay in xaaladda bani’aadamnimada ay sii xumaanayso iyadoo Soomaaliya ay la tacaalayso cudurrada sida Shuban Biyaha/Cholera, Gowracato, iyo Qandhada. Waxay ku boorisay in la xoojiyo kormeerka caafimaadka iyo in la helo jawaab mideysan oo si fiican loo maalgeliyo si looga hortago faafitaanka cudurrada.