Dawladaha Masar iyo Turkiga ayaa magaalada Qaahira ku yeeshay wareegii saddexaad ee wadatashiyada diblomaasiyadeed ee ku saabsan arrimaha Afrika, iyagoo diiradda saaray xasiloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka Geeska Afrika.
Kulamada, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar, ayaa looga hadlay caqabadaha amni ee ka jira gobolka, gaar ahaan xiisadaha ka taagan marin-biyoodka Badda Cas iyo xasillooni darrada ka jirta qeybo ka mid ah qaaradda.
Wadatashiyada ayaa sidoo kale xooga saartay amniga marin-biyoodka Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka. Labada dal ayaa ku nuuxnuuxsaday in laga hortago in xasaradaha gobolka ay ku fidaan marin-biyoodka iyo in la ilaaliyo marinnada maraakiibta ee isku xira Yurub iyo Aasiya, kuwaas oo muhiim u ah dhaqaalaha adduunka iyo kan gobolka.











