Darawallada Bajaajta oo ka mudaharaaday qiimaha shidaalka ee Muqdisho

0

Darawallada bajaajta ka shaqeeya magaalada Muqdisho ayaa maanta dhigay mudaharaad ay kaga cabanayaan kororka weyn ee ku yimid qiimaha shidaalka, kaas oo saameyn ku yeeshay shaqadooda iyo noloshooda maalinlaha ah.

Mudaharaadka ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa isgoyska Taleex iyo KM4, halkaas oo darawalladu ay joojiyeen bajaajtooda isla markaana xireen qaybo ka mid ah waddada si ay u muujiyaan cabashadooda.

Darawallada bajaajta ayaa sheegay in qiimaha shidaalka uu si aad ah u kacay, iyagoo xusay in qiimaha hadda la iibiyo uu ka badan yahay laba jibbaar kii jiray qiyaastii 11 maalmood ka hor. Waxay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ugu baaqeen inay si degdeg ah u soo farageliyaan arrintan.

“Waxaan muddo dheer sugaynay in dowladda ay wax ka qabato kororka qiimaha shidaalka, balse jawaab cad ma helin,” ayuu yiri mid ka mid ah darawallada mudaharaadaya.

Ganacsatada qaarkood ayaa dhankooda ku dooday in kororka qiimaha shidaalka uu ka dhashay xiisadaha ka socda Bariga Dhexe, gaar ahaan xiritaanka marin-biyoodka muhiimka ah ee Hormuz ee ay sameysay Iran, taas oo saameyn ku yeelatay sahayda shidaalka ee gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, darawallada bajaajta ayaa arrintaas ku tilmaamay mid aan sax ahayn, iyagoo ku eedeeyay qaar ka mid ah ganacsatada inay si ula kac ah u kordhiyeen qiimaha shidaalka si ay faa’iido badan u helaan.

Ilaa iyo hadda ma jiro mas’uul ka tirsan dowladda oo si rasmi ah ula hadlay darawallada mudaharaadaya.