Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan Cali ayaa sheegay in dhammeystirka iyo ansixinta wax-ka-beddellada Dastuurka Soomaaliya ay tahay guul qaran oo taariikhi ah, taas oo soo afjaraysa muddo dheer oo dalka ku jiray marxalad ku-meel-gaar ah.
Maqaal uu ku qoray shabakadda Al Jazeera ayuu afhayeenku ku sheegay in tallaabadan ay ka mid tahay ballanqaadyadii ugu waaweynaa ee siyaasadeed ee Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, isla markaana ay ka dhigan tahay dhismaha dowlad dastuur ku dhisan oo xasilloon.
Afhayeenka ayaa sheegay in Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ugu dambeyn ku guuleystay inuu dhammaystiro dastuurka, taas oo si rasmi ah u soo afjaraysa marxaladdii ku-meel-gaarka ahayd, isla markaana u gogol xaaraysa dowlad leh sharciyad dastuur oo dhameystiran.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka uu ku saleysnaa wada-tashiyo siyaasadeed iyo bulsho oo ballaaran, isla markaana guddiga dib-u-eegista dastuurka ay tixgeliyeen talooyin badan oo ay soo jeediyeen mucaaradka, gaar ahaan madaxweynihii hore Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, oo hadda xubin ka ah Baarlamaanka.
Guddiga ayaa wax ka beddelay qodobbo ka mid ah dastuurka si ay uga jawaabaan talooyinkaas, arrintaas oo lagu sheegay inay xoojisay is-afgaradka siyaasadeed, isla markaana ka dhigtay dastuurka cusub mid ka turjumaya heshiis qaran oo ay wada oggol yihiin dhinacyada siyaasadda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in ansixinta dastuurka ay u gogol xaarayso qabashada doorashooyin toos ah oo ku dhisan mabda’a “hal qof, hal cod,” taas oo ah himilo ay muddo dheer sugayeen shacabka Soomaaliyeed.











