Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in uuna jiri doonin wax wadahadal ah oo lagu soo afjarayo dagaalka Bariga Dhexe ilaa ay Iiraan si shuruud la’aan ah isu dhiibto. Iiraan ayaa dhankeeda sheegtay in ay diyaar u tahay in ay is difaacdo, xilli dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan uu galay maalintiisii sideedaad.
Trump ayaa qoraal uu ku daabacay baraha bulshada ku sheegay in heshiis kasta oo la gaadho uu ku xidhnaan doono in Tehran marka hore ogolaato “is-dhiibid aan wax shuruud ah lahayn.” Wuxuu intaas ku daray in marka arrintaasi dhacdo, Mareykanka iyo xulafadiisu ay ka shaqayn doonaan sidii Iiraan dib loogu soo celin lahaa dhaqaale ahaan.
“Marka ay arrintaasi dhacdo, ee la doorto hoggaan wanaagsan oo la aqbali karo, annaga iyo xulafadayadu waxaan si hagar la’aan ah uga shaqayn doonaa in Iiraan dib looga soo celiyo qarka burburka,” ayuu yidhi Trump, isaga oo hadalkiisa ku soo gunaanaday halku-dhegga cusub ee “Aynu mar kale Maraykanka ka dhigno mid wayn (MIGA)”.
Dhanka kale, Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Abbas Araghchi ayaa dhankiisa sheegay in dalkiisu aanu codsan doonin xabbad-joojin isla markaana aanu diyaar u ahayn wada-hadal uu la galo Mareykanka.
Araghchi oo wareysi siiyay NBC ayaa sidoo kale sheegay in haddii ciidamada lugta ee Mareykanku ay ku soo duulaan dhulka Iiraan ay la kulmi doonaan “masiibo weyn.”
“Kama cabsaneyno duulaan dhulka ah. Waan sugaynaa haddii ay yimaadaan, waanan awoodnaa inaan ka hortagno,” ayuu yidhi.
Dagaalkan ayaa bilaabmay toddobaad ka hor kadib weerarro ballaadhan oo ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan, kuwaas oo lagu burburiyay qaar ka mid ah xarumaha milatari ee dalkaas isla markaana lagu dilay hoggaamiyihii sare ee Iiraan.
Xiisadda ayaa weli sii kordheysa, iyadoo aanu muuqan wax calaamad ah oo muujinaysa in dagaalku dhawaanahan ku joogsan doono.











