Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Xildhibaannada Labada Gole Ku Bogaadiyey Ansixinta Dastuurka

1

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kadib ansixinta qodobbo muhiim ah oo ka tirsan Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in tallaabadan ay ka dhigan tahay in dalka uu ka gudbayo marxaladdii ku-meel-gaarka ahayd ee muddada dheer socotay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in dhammeystirka dastuurka uu yahay guul qaran oo muhiim u ah dhismaha dowladnimo, xoojinta hay’adaha dowladda iyo hirgelinta nidaam siyaasadeed oo waara.

Ansixinta qodobadan dastuuriga ah ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dhameystirayo dib-u-eegista dastuurka dalka, taas oo muddo dheer socotay isla markaana muhiim u ah hannaanka dowladnimo ee Soomaaliya.