Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda amniga dalka, gurmadka abaaraha, hawlgallada ay ciidamada xoogga dalka ka wadaan deegaannada ay weli ku sugan yihiin kooxaha argagixisada, iyo qorshayaasha lagu casriyeynayo nidaamka dowladnimada.

Kulanka oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan guulaha ay ciidamada qalabka sida ka gaareen hawlgalladii ugu dambeeyay ee lagu xoreynayey deegaanno horleh.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey heshiisyo caalami ah iyo xeer-nidaamiyeyaal la xiriira iskaashi diblomaasiyadeed, caafimaad, socdaal iyo amni. Heshiisyada la ansixiyey waxaa ka mid ah heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan oo ku saabsan ka dhaafista dal-ku-galka baasaboorrada diblomaasiga, heshiis kale oo Soomaaliya iyo Ruushka ay ku xoojinayaan iskaashiga caafimaadka, iyo heshiis la xiriira wadatashiyada siyaasadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Spain.

Waxaa sidoo kale la meelmariyey heshiisyo kale oo caalami ah oo ay ka mid yihiin heshiiska fududeynta socdaalka caalamiga ah ee gaadiidka badda, heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaallanka ganacsiga sharci darrada ah ee daroogada, iyo heshiis lala galay Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atamka ee la xiriira ka hortagga faafitaanka hubka niyuukleerka.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey Siyaasadda Maareynta Wax-qabadka Mideysan ee Hay’adaha Dowladda, taas oo lagu xoojinayo isla-xisaabtanka iyo tayeynta adeegyada ay dowladdu siiso shacabka.

Ugu dambeyntii, Golaha Wasiirrada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey in darajada safiirnimo loo dallacsiiyo laba mas’uul oo kala ah Aadan Isaaq Cali iyo Cabdifataax Sheekh Axmed Cabdimannaan.

Tallaabooyinkan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka caalamiga ah, dib-u-habaynta hay’adaha dowladda, iyo horumarinta adeegyada bulshada.