Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad Aal Thaani, iyagoo ka wada hadlay xaaladaha cakiran ee ka soo cusboonaaday gobolka iyo saameynta ka dhalan karta xiisadda sii kordhaya ee Bariga Dhexe.
Bayaan kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu mar kale xaqiijiyay taageerada buuxda ee Soomaaliya u hayso madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo hawada Qatar, isaga oo cambaareeyay weerar kasta oo lagu qaado dalkaas, kuna tilmaamay xadgudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah.
Qatar ayaa waxaa si toos ah u saameeyay weerarro ay Iran ku qaaday gudaha dalkaas, kuwaas oo la sheegay in lagu bartilmaameedsaday goobo istaraatiiji ah oo ay ku jirto saldhigga ciidamada Maraykanka ee Al Udeid.
Qatar ayaa ku tilmaantay weerarradaas xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka, iyadoo sheegtay in difaacyadeedu ay qabteen inta badan gantaalladii iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee kusoo jeeday.
Ma jirin warar rasmi ah oo sheegaya khasaarooyin bini’aadantinimo oo waaweyn, balse xaaladdu waxay sare u qaaday heerka feejignaanta amni ee dalka.
Saameynta weerarrada ayaa sidoo kale gaartay dhinaca duulimaadyada iyo dhaqaalaha, iyadoo hawada Qatar si ku meel gaar ah loo xiray, taasoo hakad gelisay duulimaadyo badan oo caalami ah.
Dooxa ayaa xaqiijisay inay xaq u leedahay inay iska difaacdo weerar kasta oo lagu soo qaado, isla markaana ku baaqday in xiisadda lagu xalliyo wada-hadal si looga fogaado colaado sii fida oo khatar ku ah xasilloonida guud ee Bariga Dhexe.











