Shirkadda shidaalka qaranka ee Saudi Aramco oo laga leeyahay Sacuudi Carabiya, ayaa si ku meel gaadh ah u hakisay hawlihii sifaynta saliidda ee Ras Tanura, kaddib markii weerar ay ku qaadeen diyaarado aan duuliye lahayn oo laga leeyahay Iran. Ras Tanura waa mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee sifaynta iyo dhoofinta shidaalka ee Boqortooyada Sucuudiga.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca ee Sacuudi Carabiya ayaa warbaahinta u sheegay in laba diyaaradood oo ku wajahnaa xarunta Ras Tanura la qabtay oo hawada lagu burburiyey ka hor inta aanay gaadhin badhtilmaameedkoodii. Hase yeeshee, wararka hordhaca ahi waxay tilmaamayaan in weerarku sababay, burbur, khalkhal iyo hakad ku yimid hawlihii sifaynta, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin heerka khasaaraha.
Weerarkan ayaa ku soo beegmay xilli suuqyada tamartu ku jiraan xaalad kacsanaan ah, iyadoo colaadda sii fidaysa ee u dhexeysa Iran, Maraykanka iyo Israa’iil ay abuurtay cabsi la xidhiidha amniga marinnada badda. Marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz, oo laga gudbiyo ku dhowaad 20 boqolkiiba saliidda dunida maalin kasta, ayaa galay xaalad hakad u eg, maadaama maraakiib badani ay joojiyeen isu socodkoodii cabsi amni awgeed.
Khabiirrada dhaqaalaha ayaa ka digaya in haddii hakadkani sii socdo, uu sababi karo yaraansho sahayda shidaalka ah xilli baahida caalamku kor u kacayso. Qiimaha saliidda nooca Brent ayaa horeba u gaadhay 80 doolar halkii foosto, taas oo muujinaysa walaaca ka jira suuqyada caalamiga ah.
Dawladda Sucuudiga ayaa si adag u cambaareysay weerarrada, kuna tilmaantay kuwo aan wax cudurdaar ah lahayn. Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa sheegtay in Boqortooyadu hore u xaqiijisay in aan dhulkeeda iyo hawadeeda loo adeegsan doonin weerarro ka dhan ah Iran, balse haddana ay la kulantay duqeymo toos ah.
Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay, iyadoo laga cabsi qabo in colaaddani isu beddesho mid sii fida oo saameyn ballaadhan ku yeelata amniga iyo dhaqaalaha caalamka.











