Taliska Dhexe ee Ciidammada Maraykanka ee Bariga Dhexe ee loo yaqaan US Central Command (CENTCOM) ayaa xaqiijiyey in saddex diyaaradood oo dagaal oo nooca F-15E Strike Eagle ah si khalad ah loogu soo riday hawada Kuwayt xilli ay ka qayb qaadanayeen hawlgallo milatari oo ka dhan ah Iran.
Bayaan ka soo baxay CENTCOM ayaa lagu sheegay in diyaaradaha ay rideen difaacyada cirka ee Kuwayt intii ay socdeen dagaallo firfircoon oo ka dhacayey gobolka. Taliska Maraykanku waxa uu sheegay in dhammaan lixdii duuliye ay si nabad ah uga soo boodeen diyaaradaha, isla markaana la soo badbaadiyey, xaaladdooduna ay deggan tahay.
Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya mid ka mid ah diyaaradaha oo dab ka kacay, iyadoo si wareeg ah hoos ugu soo dhacaysay. Muuqaal kale ayaa lagu arkay laba duuliye oo baarashuud ku soo degaya, kuwaas oo markii dambe lagu arkay dhulka iyagoo nool, looguna gargaarayo.
Wasaaradda Gaashaandhigga Kuwayt ayaa xaqiijisay in dhowr diyaaradood oo Maraykan ahi ku burbureen dalkaasi, iyadoo sheegtay in la wado baadhitaan lagu ogaanayo sababta shilka keentay. Masuul u hadlay wasaaradda ayaa sheegay in dhammaan duuliyeyaasha la geeyey isbitaalka, isla markaana ay xaaladdoodu deggan tahay.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli xiisadda gobolka ay sii xoogaysanayso, kaddib weerarro wadajir ah oo Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iran. Iran ayaa hore u sheegtay inay badhtilmaameedsan doonto saldhigyada iyo hantida milatari ee Maraykanku ku leeyahay gobolka Gacanka.
Dhinaca kale, Taliyaha Guud ee Ciidammada Maraykanka, General Dan Caine, ayaa sheegay in hawlgallada milatari ee ka socda gobolka aan lagu soo afjari karin hal habeen, isla markaana ay qaadan doonaan waqti. Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa isaguna tilmaamay in weerarradu socon karaan toddobaadyo.











