Isra’iil oo weerar cusub ku qaaday Dalka Iran

0

Isra’iil ayaa bilowday waxa ay ugu yeertay “weerar ka hortag ah” oo ay ka qaadayso Iiraan.

Bayaan soo baxay saaka ayaa Wasiirka Difaaca Isra’iil, Israel Katz uu ku dhawaaqay “xaalad degdeg iyo oo gaar ah” guud ahaan Isra’iil

laa iyo dhowr qarax ayaa laga maqlay bartamaha magaalada Tehran, sida ay sheegayaan warbaahinta Iiraan.

Wakaaladda Wararka Fars waxay sheegtay inay heshay warar sheegaya in dhowr gantaal ay ku dhaceen aagga Jamhuuriyadda ee caasimadda Iiraan.

Wararka ka soo baxaya warbaahinta Israa’iill iyo Mareykanka ayaa sheegaya in Mareykanku iyo Israa’iil ay isla kaashadeen weerarka ka dhan ah Iiraan. CNN ayaa soo warisay in weerarka Israel lala kaashaday Mareykanka, halka wakaaladda Ynet News ee Israel ay sheegtay isla arrintaas.