Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa bulshada Somaliland ugu baaqay isku duubni iyo wadajir, xilli ay waddamo badan oo gobolka saamayn ku leh ay aad uga Soo horjeedaan aqoonsiga Israa’iil siisay Somaliland.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland anay cidna dhibaato u gaysan, oo ay ku foogantahay danaheeda oo kali ah, lakiin ay soo baxeen dalal cadow ku ah, sida darteedna loo baahanyahay in shacabku midoobo oo ay Somaliland difaacdaan.
“Colaado badan ayaa Somaliland ku socda, cidna waxba umaynaan gaysan, cid aynu wax ka qaadnay ma jirto, marka waxa loo baahanyahay oo aan shacabka ugu baaqaya in uu midnimadiisa iyo wadajirkiisa ilaashado, in uu qaranimadiisa iyo dowladnimadiisa difaaco” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Waxa uu si gaar ah ugu mahadceliyay culimada oo uu sheegay in ay umada jiheeyeen, oo ay umada ka qanciyeen dad uu sheegay in ay diinta kusoo gabanayeen oo ay bulshada si khaldan ugu fasirayeen ictiraafka Israa’iil, “Culimada waan u mahadnaqayaa, wanan u ducaynayaa” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Dowladaha Soomaaliya, Turkiga, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Jabuuti, ayaa hadda safka hore kaga jira dowladaha aad ka u dhibsanaya aqoonsiga Somaliland, iyaga oo si joogta fagaarayaasha caalamka ugaga ololeeya in Israa’iil sida ugu dhakhsaha badan uga noqoto aqoonsiga ay siisay Hargaysa.
Dowlada Soomaaliya ayaa aqoonsiga Somaliland u aragta mid khatar ku ah midnimadeeda dhuleed iyo madaxbannaanideeda, iyada oo dadaal ugu jirta sidii Israa’iil cadaadis loogu saari lahaa in ay joojiso xidhiidhka Somaliland, sidii hore Itoobiya uga noqotay is-afgaradkii ay horaantii 2024 la gaadhay Hargaysa.
Sidoo kale dowladaha kale ee kasoo horjeeda ayaa baddi xidhiidhow la leh Soomaaliya, iyaga oo aaminsan in aqoonsiga Somaliland, uu ka hor imanayo danahooda Soomaaliya iyo gobolka, madaama oo intooda badan anay xidhiidh wanaaagsan la lahayn Israa’iil.











